joohaar
(m.l)

Mas if badani uurka uga jiro oo habeenkii inta la soo baxo ilayskeeda ku ugaarsado; masjoohaar.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh joohaar

yeeg-bijoohaar [m.l] (-rro, m.dh)
Dhagax dubnadeed oo wejiga cayaarta loogu talag-galay dhinac hal dhibic ku leh, dhinaca kalena afar dhibcood ku leh. ld joohaar-biyeeg.

banji-bijoohaar [m.l] (-rro, m.dh)
Dhagax dubnadeed oo wejiga lagu ciyaaro dhinac afar dhibic ku leh, dhinaca kalena shan dhibic. ld joohaar-bibanji.

biish-bijoohaar [m.l] (-rro, m.dh)
ld joohaar-bibanji.

caddaan-bijoohaar [m.l] (-ro, m.dh)
Dhagax dubnadeed oo wejiga cayaarta loogu talaggalay dhinac ka cad, dhinacna afar dhibcood ku leh. ld joohaar-bicaddaan.

dooh-bijoohaar [m.l]
Dhagax dubnadeed oo wejiga lagu ciyaaro, dhinac laba dhibcood ku leh, dhinaca kalena afar. ld joohaar-bidooh.

joohaarad [m.dh]
1. Dhagax dubnadeed oo wejiga ciyaarta loogu talaggalay labadiisa dhinac min afar dhibcood ku leh. 2. Wax if bixiya oo masjoohaarku habeenkii markuu ugaarsanayo soo tufo.

joohaar-bibanji [m.l] (-iyo, m.dh)
Dhagax dubnadeed oo wejiga lagu ciyaaro dhinac afar dhibcood ku leh, dhinaca kalena shan. ld banji-bijoohaar, biish-bijoohaar, joohaar-bibiish.

joohaar-bibiish [m.l] (-shyo, m.dh)
ld joohaar-bibanji.

joohaar-bicaddaan [m.l] (-nno, m.dh)
ld caddaan-bijoohaar.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg