jooji
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)

1. Wax dhaqaaq ka celin. 2. Wax dhulka yaal istaajin. 3. Wax socday hakin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh jooji

ebinefiriin [m.l] (baay.)
Hormoon uu soo daayo medullaha qanjidh kelyoodku, kaas oo kordhiya garacaa wadnaha, kor u qaada awoodda iyo dheeraynta dhaqdhaqaaqa muruqyada iyo kordhinta dhaqsaha iyo qotada neefsiga, si uu ugu diyaariyo jidhka cabsi, orod ama dagaal. Waxa kale oo uu joojiyaa dheefshiidka iyo qashinsaarka.

daa [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (dayay, deysay; deyn)
1. Wax xannibnaa faraha ka qaadid. 2. Hawl la hayay faraha ka qaadid. 3. Wax la caadaystay joojin. Tus. “Waxaa fiican inaad sigaarka dayso”. dayay, deysay, deyn

caabuqtire [m.l] (-rayaal, m.l/dh)
(baay.) Walax laga helo noolayaasha yaryar gaar ahaan mooldiska, kuwaas oo baabi'iya ama joojiya koritaan noolayaal kale oo ilima-aragtay ah gaar ahaan bakteeriyada iyo fangiga cudurrada faafiya. Caabuq- tirayaasha caanka ah waxa ka mid ah: beenasaliin, istarabtumaysiin iyo tetrasay-kalin.

ibidimooloji [m.l]
(daaw.) Barashada cudurrada sida dhakhsaha leh u fida dad badanna mar ku wada dhaca si loo garto habkii loo joojin lahaa ama loo hakin lahaa iyo habkii looga hortagi lahaa mustaqbalka. Ma aha cudurrada la is qaadsiyo keliya waxa ku jira cudurro kale oo bey'adda la xiriira: kansarka, cudurrada wadnaha iwm.

saahid [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
1. Cabsi Ilaah u go'id. 2. Ka s.: wax la caadaystay joojin.

taag [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-gay, -gtay)
1. Wax meel joojin. 2. Wax kor u qaadid. 3. Wax qotomin. 4. Isku t.: qof ama wax lid noqosho. 5. Isku t.: wax dushooda ku joogsasho. 6. Isku t.: dhar qurxoon xirasho.

aammus [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-say, -stay)
1. Hadal joojin. 2. Wax sheegiddiisa ka gaabsasho.

afjig [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-gay, -gtay)
Qof hadlaya, iyadoo loo diidayo inuu sheego sir ama wax aan habboonayn hadal ka joojin.

agjooji [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Wax, wax kale oo taagan meel u dhow istaajin.

agjoojin [m.f.dh]
eeg agjooji.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg