joojin
(m.f.dh)

eeg jooji. ld joojis.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh joojin

daa [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (dayay, deysay; deyn)
1. Wax xannibnaa faraha ka qaadid. 2. Hawl la hayay faraha ka qaadid. 3. Wax la caadaystay joojin. Tus. “Waxaa fiican inaad sigaarka dayso”. dayay, deysay, deyn

ibidimooloji [m.l]
(daaw.) Barashada cudurrada sida dhakhsaha leh u fida dad badanna mar ku wada dhaca si loo garto habkii loo joojin lahaa ama loo hakin lahaa iyo habkii looga hortagi lahaa mustaqbalka. Ma aha cudurrada la is qaadsiyo keliya waxa ku jira cudurro kale oo bey'adda la xiriira: kansarka, cudurrada wadnaha iwm.

saahid [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
1. Cabsi Ilaah u go'id. 2. Ka s.: wax la caadaystay joojin.

taag [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-gay, -gtay)
1. Wax meel joojin. 2. Wax kor u qaadid. 3. Wax qotomin. 4. Isku t.: qof ama wax lid noqosho. 5. Isku t.: wax dushooda ku joogsasho. 6. Isku t.: dhar qurxoon xirasho.

aammus [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-say, -stay)
1. Hadal joojin. 2. Wax sheegiddiisa ka gaabsasho.

afjig [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-gay, -gtay)
Qof hadlaya, iyadoo loo diidayo inuu sheego sir ama wax aan habboonayn hadal ka joojin.

agjoojin [m.f.dh]
eeg agjooji.

araare [m.l]
1. Kala joojinta iyo maslixidda dad dagaalamaya. ld araari.

araaree [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-reeyay, -raysay)
Dad dagaalamaya kala joojin.

barroosin [m.l]
Bir culus, afar ganood oo dib u laaban iyo dabo daloosha oo silsilad lagu xiro leh, oo maraakibta iyo doonyaha badda loogu rido kolka la joojinaayo. ld barroosi.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg