joojiye
(m.l) (-yayaal, m.l/dh)(baay.) Walax hoos u dhigta ama joojisa falgal uu xukumayo insaym.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh joojiye ↴
bennedan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-dnaa, -dnayd)
Hawl ama ciyaar socotay oo la joojiyey ahaansho.
joojiye falgal [m.l] (-ayaal ..., m.l/dh)
Walax yareysa waxtarka kaalkaaliyaha, taas oo ah, dhakhsaha falgalka oo yaraada.
rafacan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-cnaa, -cnayd)
Hawl socotay wax la joojiyey ahaansho.
jooji [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Wax dhaqaaq ka celin. 2. Wax dhulka yaal istaajin. 3. Wax socday hakin.
_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg