joome
(m.l)

Dibi weyn oo dhufaan ah; baqay.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh joome

afargees [m.l] (-syo, m.dh)
Shaxan joometeri ah oo afar dhinac oo isle'eg leh.

ballaarin [m.dh]
(xis.) Isqaad joometiriyeed ee soo saara humaag ka weyn (ka yar haddii iskeelka la qaatay uu ka yaryahay 1). Haseyeeshe u eg, qaabka asalka ah (eeg isqaad). Sida kale waa weynayn iyo yareyn shaxan joometari.

celcelis-joometeri [m.l] (-syo ..., m.dh)
(xis.) C. j.iyeed ee “n” xaddi waa xidid “n” - jibbaarka tarankooda.

dareerin-joometeri [m.dh] (xis.)
D. saamiga u dhexeeya tibix kasta iyo tan ka horeysa uu yahay madoorsoome.

dhexmeeran [m.l]
(xis.) Shaxan joometeri ah oo ku dhex meeran shaxan kale ee joometeriyeed (eeg dul meeran).

dulmeeran [m.l]
(xis.) Shaxan joometiriyeed oo ku dul meeran ama wareegsan kuna oodan shaxan joometiriyeed ee kale. Tusaale ahaan: goobo ayaa lagu dul sawiri karaa geesaha labajibbaarane, markaa goobadu waa shaxan dulmeeran ah labajibbaaranuhuna waa dhexmeeran (eeg dhexmeeran).

isu'eg [m.l] (-gyo, m.dh)
(xis.) Laba ama dhowr shaxan oo u kala duwan iskeel ahaan, hase yeeshee qaab ahaan aan u kala duwaneyn. Laba shaxan joometeri waa ay isu egyihiin haddii midkood uu yahay kan kale oo la weyneeyay. Geesooleyaasha isu'eg waxa ay leeyihiin xaglo gudboon oo isle'eg iyo dhinacyo isku aaddan oo saamiggal isu ah.

joometeri [m.l]
(xis.) Laan ka mid ah xisaabta oo lagu barto adkeyaal, dulo, xarriiqyo, xoodad, iyo baro ku yaalla dulalaati. Tusaale ahaan joometeriga waxa ay la xiriirtaa cabbiridda iyo xisaabinta xagallo u dhexeeya xarriiqyo toosan, astaamaha asaasiga u ah goobooyinka iyo xiriirka ka dhexeeya xarriiqyo iyo baro ku yaalla sallax.

joometeriga saafan [m.l]
(xis.) Barashada shaxanno joometeriyeed iyo xoodad iyada oo la isticmaalayo habdhis kulan iyo habab aljebareed; joometeriga kaart.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg