joometeri
(m.l)

(xis.) Laan ka mid ah xisaabta oo lagu barto adkeyaal, dulo, xarriiqyo, xoodad, iyo baro ku yaalla dulalaati. Tusaale ahaan joometeriga waxa ay la xiriirtaa cabbiridda iyo xisaabinta xagallo u dhexeeya xarriiqyo toosan, astaamaha asaasiga u ah goobooyinka iyo xiriirka ka dhexeeya xarriiqyo iyo baro ku yaalla sallax.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh joometeri

afargees [m.l] (-syo, m.dh)
Shaxan joometeri ah oo afar dhinac oo isle'eg leh.

celcelis-joometeri [m.l] (-syo ..., m.dh)
(xis.) C. j.iyeed ee “n” xaddi waa xidid “n” - jibbaarka tarankooda.

dareerin-joometeri [m.dh] (xis.)
D. saamiga u dhexeeya tibix kasta iyo tan ka horeysa uu yahay madoorsoome.

dhexmeeran [m.l]
(xis.) Shaxan joometeri ah oo ku dhex meeran shaxan kale ee joometeriyeed (eeg dul meeran).

isu'eg [m.l] (-gyo, m.dh)
(xis.) Laba ama dhowr shaxan oo u kala duwan iskeel ahaan, hase yeeshee qaab ahaan aan u kala duwaneyn. Laba shaxan joometeri waa ay isu egyihiin haddii midkood uu yahay kan kale oo la weyneeyay. Geesooleyaasha isu'eg waxa ay leeyihiin xaglo gudboon oo isle'eg iyo dhinacyo isku aaddan oo saamiggal isu ah.

joometeriga saafan [m.l]
(xis.) Barashada shaxanno joometeriyeed iyo xoodad iyada oo la isticmaalayo habdhis kulan iyo habab aljebareed; joometeriga kaart.

joometeriga Yuklid [m.l]
(xis.) Habdhis joometeri oo ku saleysan qeexo iyo dhardhaarro uu dejiyey xisaabyahankii giriigga ahaa “Euclid”, kuna qoray buugga la yiraahdo “The Elements”. Buuggiisa koowaad waxa uu ka bilowdaa 23 qeexo oo ah nooca: “Bar waa mid aan qayb lahayn”, “xarriq waa dherer aan ballal lahayn”. Ka dibna waxa raaca 10 dharhdaarood oo “Euclid” uu u qaybiyey 5 fikrado wadaaga ah iyo weedho.

susun joometeri [m.l]
(xis.) Susun saamiga u dhexeeya tibix kasta iyo tan ka horreysa madoorsoomaha ah waxaa lagu magacaabaa saamiga ay wadaagaan. Dansaanka susun joometeri waa sidan: a, ar, ar2, a3, a4,..., an taas oo r ay tahay saamiga ay wadaagaan, a-na tibixda koowaad.

xisaab [m.dh]
1. Wax inta tiradoodu la egtahay. 2. Garsoorka uu Eebbe aakhiro mariyo addoomadiisa. 3. Cilmiga tirooyinka iyo joometeriga.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg