jubbad
(m.dh) (-do, m.l)

Dhar culus oo raggu qaarka sare ka gashado oo gacmo dhaa-dheer iyo jeebab leh; koor; koodh.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh jubbad

jaakad [m.dh] (-do, m.l)
Dhar culus, kor laga qaato oo lagu xarragoodo dhaxantana laga qaato; jubbad; koor.

koor [m.l] (-rar, m.l)
Dhar adag oo culus oo raggu qaarka sare ka qaataan oo dhaxanta laga geshado, laguna xarragoodo; jubbad. ld koodh.

maanyo [m.l]
Nooc ka mid ah mariidka oo laga isticmaalo xeebta iyo Jubbada hoose, waxaa laga sameeyaa dhecaan geed; qubley, manyiikay, libin, waaray.

manyiikay [m.l]
Nooc ka mid ah mariidka oo laga isticmaalo xeebta iyo Jubbada Hoose; waxaa laga sameeyaa dhecaan geed; maanyo, qubleey, libin.

masingow [m.l]
Ciyaar dhaqameed laga yaqaan Jubbada Hoose.

qubleey [m.l]
Nooc ka mid ah mariidka oo laga isticmaalo Xeebta iyo Jubbada Hoose; waxaa laga sameeyaa dheecaan geed; maanyo, manyiikay; libin.

shaayad [m.dh] (-do, m.l)
1. Jubbad yar oo aan gacmo lahayn oo shaatiga laga dul qaato. 2. Idaad xoog badan oo doonyaha lagu xiro, laguna dabto kalluunka iyo libaax-badeedka yaryar.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg