jug
(m.dh)

1. (sh.r) Nabar, ay waxa gammuuxani geystaan. 2. (sh.r) Wax qarxay ama si xoog leh meel ugu dhacay, sanqadhooda. 3. J. ah: haad fas badan laga hayo (turub).

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh jug

nabar [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bray, -bartay; -bri)
Cid jug, dhaawaq iwm. gaarsiin.

ooddin [m.dh]
Xanuun saableyda qabta oo ka dhasha jug, dabayl xoog leh ama muruqo go'.

barijugle [m.l]
Dhicidda qof barida si xoog leh dhulka ugu dhufto. ld barijugleyn.

barijuglee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-leeyay, -leysay)
Barida si xoog leh dhulka ugu dhufasho.

barijugley [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
Nooc cayayaanka lix lugoodlaha ah ka mid ah oo leh madax ay ku dahaarantahay qolof adag oo kurtumo leh iyo qaar danbe oo buuran oo jilicsan; dhiidhiiyo, xaabley, xabgaal.

barijugleyn [m.f.dh]
eeg barijuglee. ld barijugle.

bow [m.dh]
1. Jug; b. sii: qof wax ku dhufasho. 2. (sh.r) B. dheh: cod lagu muujiyo dhufashada.

cagajugle [m.l]
1. Dhaar iyo handadaad cid loo jeediyo si loo cabsi geliyo. 2. ld cagajugleyn.

cagajuglee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-leeyay, -leysay)
U c.: qof si loo cabsi geliyo dhaar iyo handadaad u jeedin.

cagajugleyn [m.f.dh]
eeg cagajuglee. ld cagajugle (2).

j [m.dh]
(ja') Xarafka tobnaad ee xuruufta soomaaliga, ahna shibbane.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg