jugee
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-geeyay, -geysay)1. ld jukee. 2. Turub iyadoo la muujinayo in haad fas badan laga haayo bad ku dhufasho.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh jugee ↴
jugeyn [m.f.dh]
eeg jugee. ld jugeys, jukeyn, jukeys.
jukee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-keeyay, -keysay)
1. ld jugee (1). Si isdabajoog ah wax u tumid 2. Dhar la dhaqayo baaf iwm gudihiisa ku garaacid ama ku xafuujin.
jug [m.dh]
1. (sh.r) Nabar, ay waxa gammuuxani geystaan. 2. (sh.r) Wax qarxay ama si xoog leh meel ugu dhacay, sanqadhooda. 3. J. ah: haad fas badan laga hayo (turub).
_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg