jugley
(m.dh)

(bot.) Shimbir weyn oo ay goroyada isku bahyihiin, oo aan duullimaad dheer samayn karin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh jugley

barijugley [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
Nooc cayayaanka lix lugoodlaha ah ka mid ah oo leh madax ay ku dahaarantahay qolof adag oo kurtumo leh iyo qaar danbe oo buuran oo jilicsan; dhiidhiiyo, xaabley, xabgaal.

barijugleyn [m.f.dh]
eeg barijuglee. ld barijugle.

cagajugleyn [m.f.dh]
eeg cagajuglee. ld cagajugle (2).

jugleyn [m.dh]
(daaw.) Hirar cadaadis ah oo is daba joog ah oo dhex maraya halbowle waxaana keenay iskuroorka hannaansan ee muruqa qolka bidix ee wadnaha, sidaas darteed waxay u dhigmaan xawliga garaaca wadnaha inta goor uu wadnuhu (garaaco/daqiiqaddiiba) waxa si sahal ah looga dareemi karaa halbowlayaasha meel soke ku yaal, sida halbowlaha kalka dibadeed ee tagoogta (radial artery) ama halbowlaha luqunta (karotid artery).

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg