juqraafi
(m.l)

Maaddada sharaxda dhulka dushiisa, muuqalladeeda ay ka mid yihiin kuwa fisikada, cimilada, carrada, maxsuul-lada, ummadaha iwm iyo filiqsanaantooda.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh juqraafi

barashada lakabyada dhulka [m.dh]
(ama jiyoolojiyada da'dhagaxeedka) (juqr.) Qayb juqraafiga ka mid ah oo wax ka sheegta siday isugu xigtay da'dii dhadhaabuhu sameysmeen.

botani [m.l]
Barashada cilmiyaysan ee dhirta oo ay ka mid yihiin anatamiga, morfoolojiga, bayookimistariga, abla-ablaynta, saytoolajiga, hiddo-barashada, ikoolojiga, tadawurka iyo filiqsanaantooda juqraafiyeed.

cilmiga buuraha [m.l]
(jool.) Laan ka mid ah juqraafiga dabiiciga ah oo ku taxaluqda kala sarraynta dhulka, iyo gaar ahaan hababka buuraha.

cimilada baddadhexe [m.dh]
(juqr.) Nooc cimilo oo ay helaan dhulalka saaran Badda Dhexe, iyo gobollo kale oo ku kala yaal labada galoobbadh ee adduunka oo u kala dhaca meel juqraafiyeed isku mid ah: goodiyada galbeed ee qaaradaha, cirifyada kulaalayda gobollada cimilada dhexdhexaadka, iyo ugu dhawaan loolka kulaalay la moodda ee cadaadisyada sare inta u dhexaysa 30 ilaa 40 ee loolka waqooyi iyo koonfurba.

juqraafiga dabiiciga [m.l]
(juqr.) Laan ka mid ah juqraafiga oo ku shuqul leh muuqaal-lada dabiiciga ah ee dhulka ee ay ka mid yihiin berriga, biyaha iyo hawada.

juqraafiga dadka [m.l]
(juqr.) Barashada juquraafiga dabeecaddu sida uu u saameeyo nolosha iyo tacabka dadka iyo juquraafi dhaqameedku sida uu u saameeyo dabeecadda.

juqraafiga nafleyda [m.l]
(juqr.) Barasha noolosha dabiiciga ah (xoolaha iyo deegaanta) oo anuu ku jirin dadku. Waxa la darsaa dariiqooyinka iyo siyaabaha xoolaha iyo deegaantu ugu fidaan, uguna filiqsanyihiin dhulka dushiisa.

khariidad-borojakhsaneyd [m.dh]
(juqr.) Muujisanaanta ay ku muujisantahay dhulka dushiisa oo dhan ama qayb ka mid ah dul fidsan korkeed, si loogu muujiyo muuqaallada dabeecadda, siyaasadeed, ama muuqaallo kale; bar kasta oo ku taal khariidadda dusheeda waxay u taagantahay ama xiriir la leedahay meel juqraafiyeed oo ka mid ah dhulka runta ah iyadoo la adeegsanayo qiyaas go'an ama borojek-shan.

mayl-juqraafi [m.l] (-lal ..., m.l)
(juqr.) Cabbir dherer oo la mid ah hal lixdameedka digrii ama hal daqiiqo ee lool; dabcan wuu isla beddelaa loolka, laakiin ugu dhawaan wuxuu la egyahay cabbirkaasi 6,080 cagood, cabbirkanina waa midka guud ahaan la aqbalsanyahay.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg