jus
(m.l) (-sas, m.l)

1. Soddonka qaybood oo kitaabka Quraanku u qaybsamo midkood. 2. Kitaab weyn oo dhawr qaybood loo kala daabacay midkood.

jus
(m.dh)

War yar oo xogtiisu gaabantahay ama aysan dhammayn.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh jus

jusbax [m.l]
Xaflad la sameeyo marka la dhammeeyo barashada hal jus.

jusbax [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-xay, -xday; -bixi)
Arday jus dhammeeyey xaflad u samayn.

jusbixid [m.f.dh]
eeg jusbax².

juscambuuleed [m.l]
ld juscambuulo.

juscambuulo [m.l]
Hal jus oo Quraan ah marka uu arday dhammeeyo cuntada uu bixiyo. ld juscambuuleed.

jusur [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine] (-rro, m.dh)
Kuul yaryar, madmadow oo barbaarku qoorta ku xirto si uu ugu xarragoodo.

jusuur [m.l] (-rro, m.dh)
Guri weyn oo dhagax ka samaysan oo ab-ka-ab layska soo dhaxlay.

khidmo [m.dh]
1. (dii.) Soddonka jus ee quraanka oo kol isku meel lagu wada akhriyo. 2. Hawl cid loo qabto; adeeg. 3. (-ooyin, m.l) Lacagta la siiyo qof hawl fudud qabtey. ld khidmad.

j [m.dh]
(ja') Xarafka tobnaad ee xuruufta soomaaliga, ahna shibbane.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg