kaadihays
(m.dh) (-syo, m.dh)

Xuub adag oo kaadidu ku keydsanto inta aaney ka iman nafleyda.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kaadihays

kaadi [m.dh]
Dareere kelyuhu dhiigga ka soo miiraan oo isugu soo urura kaadihaysta kana soo gudba dhuunta kaadimareenka.

kaadigubasho [m.dh]
(daaw.) Xanuun iyo kaadida oo lagu dhibtoodo, waxa badanaa keena holac kaadihays ama holac kaadimaren. ld kaadiqabad.

kaadimareen [m.l] (-no, m.dh)
(c.nafl.) Tuyuub laga helo naasleyda, kaas oo ka soo qaada kaadida kaadihaysta oo bannaanka uga saara jidhka. Ragga, kaadi mareenku wuxuu dhex maraa guska, waxaana uu ku dhex xidhan yahay xawo mareenka, sidaa darteed waxa kale oo uu u shaqeeyaa marin xawaduna marto.

holac-kaadihays [m.l] (-cyo .., m.dh)
(daaw.) Halaamacoodka kaadihaysta, inta badan waxa keena baktiiriyada “escherichia coli”. Astaamo: kaadirabid badan, kaadi gubid iwm.

qanjir-borosteyd [m.l]
(c.nafl.) Qanjir dheeraad ah oo raggu leeyahay oo u furan kaadi mareenka ka hooseeya kaadihaysta iyo dhuumaha shahwada meeshaay kaga darsamaan. Xilliga biyobixidda ragga wuxu qanjirku soo daaya biyo alkalayn ah oo ku darsama shahwada.

qaybta kaadimareenka [m.dh]
(c.nafl.) Qaybta oo dhan ee isugu jirta dhuumo iyo faro oo kaadida ka soo qaada keliya dibeddana u saara. Waxay ka koobantahay: a) kaadi mareennada kaadihaysta ka sarreeya; b) kaadi haysta; c) kaadi mareenka hoose.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg