kabbax
(Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate)

K. ah: nafley cudur ku dhacay kana bogsootay oo jirkeedu sameystay difaac.

kabbax
(m.l)

(daaw.) Xaaladda aanu xayawaanku u nuglayn caabuqa kaga yimaada noolayaasha cudurrada dhaliya ama waxyeellada ka soo gaadhi karta suntooda; kabbaxu waxa uu ku xidhanyahay marka ay dhiigga ku jiraan lid jidh-galayaal iyo unugyada cad-cadi (limfosayto) kuwaas oo soo saara jawaabis kabbaxeed.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kabbax

farakabbax [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
ld farabbax¹.

kahsi [m.l]
(daaw.) Xaalad uu jidhku ku soo saaro jawaab ah kabbax an caadi ahayn qaar ka mid ah lid jidh dhaliyayaasha oo la yidhaahdo allarjiino, kaas waxa ka mid ah boodhka, faxalka, cuntooyinka qaarkood iyo dawooyinka ama dhogorta.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg