kabbi
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)

Caano iwm cid hal kabbo ka siin. ld kebbi.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kabbi

bal [Erey Dareen | Exclamation]
1. Qurub la isticmaalo inta badan kolka wax kabbixiwaa ah lays yeelsiiyo ama layska dhiirrigeliyo. 2. B. in: haddii. Tus. “B. inaan eegi karo aan soo durko”, “Weyddii b. inay fog tahay”; ama cagajiid lagu jeedo, sida “B. hoo”, “B. ina keen”.

degel [m.l] (-llo, m.dh)
1. Saalada xerada ariga ama lo'da ku kabbisanta. 2. Meel muddo badan la degganaa.

dhuldhac [m.l]
1. Kabbiska guriga. 2. Jirro culus oo qof la kici waayo. 3. ld dhuldhicid.

fiiqsii [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iiyay, -iisay)
Hoore cid aayar kabbisiin.

gaasabbax [m.l]
1. Kabbixidda nafley ka samatabbaxdo dhibaato jiilaal. 2. ld gaasabbixid.

kabbin [m.f.dh]
eeg kabbi. ld kabbis¹, kebbin, kebbis¹.

kabbis [m.l]
ld kabbin.

kabbis [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-say, -stay)
ld kebbis².

kabbisan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-snaa, -snayd)
ld kebbisan.

kab [m.l]
1. Qoryaha laf jabtay lagu xiro si ay isu qabsato. 2. In yar oo maro, bir, qoray ah oo wax jabay ama duleeshamay lagu awdo. 3. ld kabid.

kab [m.dh] (-bo, m.l)
Jaamo harag, caag iwm ah oo inta laysku toltolo, cagaha la gashado. ld kob (4).

kab [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
Wax kala jabay ama kala go'ay kab ku xirid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg