kabee
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-beeyay, -baysay)

Cid kab ku garaacid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kabee

jaan [m.dh] (-aamo, m.l)
1. Cad yar oo saan ah oo loo jaray qaab kabeed. 2. Meel bannaan. 3. Gabal yar oo shay ah. 4. Kab dhammaatay. 5. Naqshad farsamo. 6. (muus.) Ridmada sacabka iyo lugaha laga sameeyo marka ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka la ciyaarayo.

dhadhaab-lakabeed [m.l] (-dyo, m.dh)
(jool.) Dhaqxaan u tuulmay dhadhaab salceedyo, badanaa lakabeedyo (sida, biyaha hoostooda) oo sameeya midka mid ah saddexda nooc ee waaweyn ee dhadhaabaha kuwaa oo sameeya oogada dhulka.

kabayn [m.f.dh]
eeg kabee.

kabeebey [m.dh]
Ciyaar dhaqameed ragga iyo dumarku wada ciyaaraan, leh durbaan, jiib iyo jaan oo laga ciyaaro gobollada koonfureed.

karkabee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-beeyay, -baysay)
Cid hawl qabashadeed inay dedejiso ku dirqin. ld karkabadee.

kab [m.l]
1. Qoryaha laf jabtay lagu xiro si ay isu qabsato. 2. In yar oo maro, bir, qoray ah oo wax jabay ama duleeshamay lagu awdo. 3. ld kabid.

kab [m.dh] (-bo, m.l)
Jaamo harag, caag iwm ah oo inta laysku toltolo, cagaha la gashado. ld kob (4).

kab [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
Wax kala jabay ama kala go'ay kab ku xirid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg