kac
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-cay, -cday; -kici)1. Istaagid, joogsasho, sarakicid. 2. Maalbeelid, khasaarid. 3. Roob da'ayey qaadid. 4. U k.: tegid, aadid. 5. Ula k.: kas u yeelid; maagid. 6. Ku k.: yeelid, samayn.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kac ↴
kaabad [m.dh] (-do, m.l)
1. Dhismo yar oo dhulka ka kacsan. 2. Buundo. buundo
raabiya [m.dh]
(daaw.) Cudur muddo gaaban
oo uu keeno fiirus, wuxuuna ku dhacaa
maskaxda iyo xangullada ee xoolaha dhiigga
kulul, waxaana sida badan dadka u gudbiya
qaniinyada ey cudurka qaba. Astaamuhu
waxay soo baxaan muddo u dhexeysa 10 beri
ilaa sannad waxayna ka koobanyihiin: jir
xanuun, qandho, dhibaato neefsashada,
dhareerid, xilliyo qofku aad u kacayo iyo
muruq-roor xanuun badan oo ay liqiddu
keento. Xaaladaha dambe ee cudurka; aragga
biyaha oo keena qallal iyo curyaannimo.
Dhimashadu waxay dhacdaa 4-5 beri
dhexdood.
haad-kacarar [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
H. ah: qof fulay ah. ld haad-karoor. haad-karoor, fulay
daaddeg [m.l] (-gyo, m.dh)
(juqr.) Qayb ka mid ah webiga oo socoshada biyaheedu ay ka dheerayso socoshada caadiga ah ee biyaha. Waxa laga yaabaa inay sababto tiirada oo janjeerkeedu si kedis ah kor ugu kaco, ama adkaysiga dhadhaabaha biyuhu dul marayaan oo aan isla ekayn.
haalbeeg [m.l] (-gyo, m.dh)
Meesha nafleydu u nugushahay oo haddii lagu dhufto ay adagtahay in uu ka kaco.
kaakac [m.l]
Tiro aan xad lahayn.
laablakac [m.l]
Fal fiirsi la'aan iyo caadifadi hoggaamiso.
oodkac [m.l]
Hilib yaryar oo shiilan oo keyd gala; muqmad.
oodkac [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-cay, -cday; -kici)
Hilib muqmad ka dhigid.
oodkacan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-cnaa, -cnayd)
Wax oodkac laga dhigay ahaansho (hilib).
k [m.dh]
(ka') Xarafka kow iyo tobnaad ee alifka
soomaaliga, waana shibbane. ld kaaf.