kacaan
(m.l)

1. Isbeddel hawada gala oo keena kuleyl iyo daruuro badan oo muujinaya saadaal roob. 2. Isbeddel siyaaso, dhaqaale iyo bulsho oo qaran gudihiisa ku dhaca; tawrad. 3. Hiyikaca ku dhaca qof safar raba inuu galo. 4. ld kacaamid.

kacaan
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-aamay, -aantay; -aami)

1. Hiyi kicid. 2. Hawo isbeddelid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kacaan

bolshofiik [m.l]
(siyaa.) Hab siyaasadeed iyo fikrad uu Lenin iyo kuwii raacsanaa ay keeneen dalka Ruushka kacaankii Ruushka kaddib 1917.

dabayl-bataax [m.l] (-xyo, m.dh)
(c.cimi.) Duufaan bataax xoogaa qaro leh sidata oo dabayl xoog lihi waddo. Qurubyada bataxa ahi mar mar dhif ah ayay kor u kacaan in ka badan 15 ilaa 30 mitir dhulka korkiisa, in badanna kama durkaan meesha ay yaalliin ama isha (source).

kacaamee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-meeyay, -maysay)
1. Cid kacaan ka dhigid. 2. Wax cusbooneysiin. ld kacaami.

kacaamid [m.f.dh]
eeg kacaan². ld kacaan¹ (4).

kacaanad [Magac Dheddig Khabar | Noun Faminine Predicate]
K. ah: haweenay kacaan ah.

kacaandiid [m.l] (-dyo, m.dh)
Qof aan mabaadi'kacaan u hoggaansanayn.

kacaannimo [m.dh]
Kacaan ahaansho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg