kaftan
(m.l)

1. Hadal aan xumi lahayn oo qosol leh oo laba qof ama ka badani isdhaafsadaan. 2. ld kaftamid.

kaftan
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-amay, -antay; -ami)

Hadal aan xumi lahayn oo maad leh isdhaafsasho (laba qof ama ka badan).

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kaftan

yooyootan [m.l]
1. Cayaar sii baabba'aysa oo wiilal iyo gabdho laysu caayo, cay kaftan ah oo aan laga caroon: mirihiisu, suugaan ahaanta aad bay u fiicanyihiin haseyeeshee cayda xun oo uu ku dhisanyahay baa dishay. 2. ld yooyootamid.

cayaar [m.dh] (-ro, m.dh)
1. Madaddaalo tab iyo xeel loo dheelo leh oo ay dadku waqtiga isku dhaafiyaan. 2. Fal, jaan iyo jiib leh oo ay dhallinyaradu habeenkii waqtiga iskudhaafiyaan. 3. Tartan kubbad, orod iwm. 4. Kaftan aan run ahayn. ld ciyaar¹.

cayaar [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
1. Madaddaali tab iyo xeel leh waqti isku dhaafin. 2. Fal, jaan iyo jiib leh habeen waqti isku dhaafin. 3. Tartan kubbad, orod iwm. ka qaybqaadasho. 4. Kaftan dhihid.

dhab [m.dh]
1. Wax run ah oo kaftan iyo ciyaar ahayn; xaqiiq. 2. Xuddunta iyo lowyaha inta u dhexeysa (dad).

dhayal [m.l]
1. Cayaar; kaftan. 2. ld dhayalid. ld dheyal¹.

gacalcun [m.l]
Cay kaftan ku dheehanyahay oo dad gacal ahi isujeediyaan. ld gacalcunid.

jalbeeb [m.dh]
Sheeko iyo kaftan aan turxaan lahayn; kaftan; haasaawe.

jalbeebtan [m.l]
1. Kaftan iyo sheeko aan turxaan lahayn oo laba qof iyo ka badan isdhaafsato. 2. ld jalbeebtamid.

jalbeebtan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-amay, -antay; -ami)
Dad kaftan iyo sheeko aan turxaan lahayn isdhaafsasho.

jareexee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-xeeyay, -xaysay)
Cay kaftan ah cid u jeedin.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg