kaho
(Fal Gudbe3 | Verb Transitive3) (-haday, -hatay)

Wax karaah-sasho. ld kahso.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kaho

unugga Daaniyal [m.l]
(fiis.) Unug aasaasi ah (sida unugga foolt), xoog danab wadihiisuna yahay 1.08 V, lehna qotino maar (+) iyo naxaas ah (-). Unuggan waxa uu leeyahay gudbiye naxaro salfaytah iyo milanka maar salfayt oo kahortaga daahneefeed ka dhaca unugga.

alkahool [m.l] (-lo, m.dh)
(kiim.) Iskudhis orgaanig ah oo ka kooban hal ama in ka badan oo haydaroogsayl (-OH). Alkahoolladu waa haydaroogsi laga soo dhirandhiriyey alkeynnada. Waxay sameeyaan taxane isku mid ah C H n+1. H. Alkahoollada waxa lagu kala sooci karaa dabeecadda kaarboon atamka ay ku dhegsanyihiin.

Ciise kahor [Magac Falkaab | Noun Adverb]
(taar.) (C.k.) Waxay u taagantahay Ciise hortii, taasoo sheegaysa sanad gaar ah, ama qarni, ka hore dhalashadii Ciise.

dulkahoor [m.dh]
Daruur qof korkiisa curatay oo da'day.

dulkahoor [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
Daruur qof dushiisa ku di'id.

dulkahoorid [m.f.dh]
eeg dulkahoor².

iskahorimaad [m.l]
1. Is qaabilidda ay is qaabilaan laba kooxood oo qilaaf ka dheexeyo. 2. Isburin.

iskahorimaad [m.l]
Laba shay oo iskaga soo horjeeda si toos ah.

kahasho [m.f.dh]
eeg kaho. ld kahad, kahsad, kahsasho, kahsi¹.

ka [mu.ti.l] (kuwa, w)
bbane. ldkaaf. ka¹ mu.ti.l (kuwa, w) Magacuyaal tilmaame oo lab, oo wax ama cid hadlaha u dhow lagu tilmaansado. Tus. “Ka yimid waa Cali”. ld kan(2).

ka [h (nax)]
Qurub lagu isticmaalo falka bidixdiisa ama hortiisa : a) qurub la xiriira meesha laga dhaqaaqay ama wax laga qaaday. Tus. “Balcad ayuu ka yimid”, “Qalin ayuu jeebkiisa ka soo bixiyay”, “Tuulo ka tuulo ayuu nastaa”; b) qurub barbardhigid loo isticmaalo. Tus. “Marka waxaa ka weyn Xamar”; c) qurub la xiriira meel uu fal ka dhacay ama laga gudbayo. Tus. “Kooxdan buu ka cayaarayaa”, “Halkaas buu guri ka dhisay”, “Waddada buu ka tallaabay”.

ka [q.l] (-ka)
Qodob magaca lab dib loogu qodbo si looga dhigo wax cayiman. Wuxuuna raacaa magacyada lab oo ku dhammaada b, d, f, l, n, r, s (sh). Qodobkaa waxaa ka farcama: -ga, -ha, -a oo raacaan magacyada kale ee labka ah. Tus. “ nin+ka->ninka, buug+ka->buugga”.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg