kahsi
(m.l)

ld kahasho.

kahsi
(m.l)

(daaw.) Xaalad uu jidhku ku soo saaro jawaab ah kabbax an caadi ahayn qaar ka mid ah lid jidh dhaliyayaasha oo la yidhaahdo allarjiino, kaas waxa ka mid ah boodhka, faxalka, cuntooyinka qaarkood iyo dawooyinka ama dhogorta.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kahsi

caarood [m.l]
(daaw.) Kahsi muddo gaaban ama muddo dheer oo jirku yeelanayo barbarar wareegsan maqaarka korkiisa cabbirkooduna kala waaweynyahay, cuncun badanna wuu leeyahay; saacado ama ayaamo ayuu jiri karaa.

halaamacoodka sooh-maskaxeedka [m.l]
(daaw.) Halaamacoodka maskaxda waxa keeni kara fiirus ama baktiiriya ama waxay ka iman kartaa jir kahsi ka yimid talaal.

kahasho [m.f.dh]
eeg kaho. ld kahad, kahsad, kahsasho, kahsi¹.

kahsitire [m.l] (-ayaal, ml./m.dh)
(daaw.) Dawo joojisa falka “istamiinka” ayadoo dabooleysa meelaha ay qabsato.

samboor [m.l]
(daaw.) Kahsi ka yimaada budada ubaxa geedaha oo keena halaamacoodka sanka dhexdiisa iyo mararka qaarkood indhaha. Astaan: hindhiso badan.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg