kakan
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-naa, -nayd)

Wax adag ahaansho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kakan

kaarboohaydrayt [m.l] (-tyo, m.dh)
(kiim.) Mid ka mid ah koox iskudhisyo orgaanigga ah oo ku salaysan astaanta guud ee cx (H2 O). Karbohaydraytyada ugu sahlani waxa weeye sonkorta (sakaraydhyo) oo ay ka mid yihiin gulukowsta iyo sukurowsta. Boolisa-karaydhyadu waa kaarboohaydraytyo culays molikiyuulladoodu weyn yahay oo kakan. Tusaale ahaan: istaarj, istaarj xayawaan iyo selilows.

kakanaan [m.f.dh]
eeg kakan. ld kaka-naansho.

kakanaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld kakanaan.

kakanaanta beerka [m.dh]
(daaw.) Xaalad beerku buko oo ay ka dhex sameysmaan karrimo sooh mayraxeed ah kuwaasoo ay ku dhex yaallaan jasiirado ka sameeysan unugyo soo badanaya oo beddalaya kuwi dhintay. Beerku wuxu yeeshaa midab hurdi madow ah iyo kuus-kuus.

kuwaartsayd [m.l]
(jool.) Dhadhaabo aad u kakan oo ka kooban kuwaarts (badan 90% ma ka) waxayna ka samaysantaa dhagax bataax; kuwaartsaydku daldaloolo ma laha sida dhagax bataax.

laba-eefle [m.l] (-layaal, m.l/dh)
(kiim.) Walaxda leh astaamaha asiidha iyo kuwa beyskaba. Ereygan waxa sida caadiga ah loo adeegsadaa ogsaydhada iyo haydarogsaydhada biraha sameeya ayoonnoo togan iyo ayoonnoo kakan oo taban labadaba.

liitiyam [m.l] (-mo, m.dh)
(kiim.) Bir firfircoon oo fudud oo sida xariirta oo kale ah; waana curiyaha ugu horreeya biraha alkali (ururka I ee tusaha kalgalka curiyayaasha). Waxay ku jirtaa silikeytyo kakan oo badan.

meertada Kerb [m.dh]
(baay.) Qayb ka mid ah neefsashada unugyada, kaas oo asiidha bayruufig marka ay ogsajiin joogto, way marto meerto kakan oo falgal isnaym xukumo ah, una soo saarta tamar qaab ah ATP, iyo kuwo dhexe oo soo saara walxo kale, sida asiidh duxeed iyo amiino-asiidhyo. Meertada Kerb waxay ka dhacdaa mitokondoriyada.

meesiyeyn [m.dh]
(baay.) Isbedellada koritaanka nudaha ee ka bilaabma sahlanaan ilaa uu ka noqdo dhisme kakan, kaas oo khaas u ah shaqooyin gaar ah. Meesiyeyntu waxay dhacdaa xilliga koritaanka uurjiifka, dib isu kabid, iyo dhinaca dhirtana waxqabad caydineed.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg