kays
(m.l)

(nax.) Isbeddel sarfeed oo ku dhaca qaabka ereyada qaarkood (siiba magacyada), oo muujinaya xiriirka naxweed ee qaabkaasi uu la leeyahay weerta inteeda kale; waa seddaxda habdhis kaysyada soomaaliyeed waxaana ka mid ah: kays yeelaale oo ah marka magaca yeele uu dhammaadkiisa ka muuqdo -u ama -i. Labada kale waa: kays yeermo iyo kays lahaansho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kays

xabkaysad [m.l]
ld xabkaysasho.

xabkaysasho [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg xabkayso. ld xabkay-sad, xabkaysi.

xabkaysi [m.l]
ld xabkaysasho.

xabkayso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-stay, -satay)
1. Xabag gurasho. 2. Meelo kala duwan ka qaraabasho.

yookaysan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-snaa, -snayd)
1. Xoolo, wax addimada ka xiran ahaansho. 2. Xoolo wax geed lagu qabbiray ahaansho.

yookaysnaan [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg yookaysan. ld yoo-kaysnaansho.

yookaysnaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld yookaysnaan.

adkaysad [m.l]
ld adkaysasho.

adkaysan [m.l]
ld adkaysi.

adkaysan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Wax la adkeeyay ahaansho.

ka [mu.ti.l] (kuwa, w)
bbane. ldkaaf. ka¹ mu.ti.l (kuwa, w) Magacuyaal tilmaame oo lab, oo wax ama cid hadlaha u dhow lagu tilmaansado. Tus. “Ka yimid waa Cali”. ld kan(2).

ka [h (nax)]
Qurub lagu isticmaalo falka bidixdiisa ama hortiisa : a) qurub la xiriira meesha laga dhaqaaqay ama wax laga qaaday. Tus. “Balcad ayuu ka yimid”, “Qalin ayuu jeebkiisa ka soo bixiyay”, “Tuulo ka tuulo ayuu nastaa”; b) qurub barbardhigid loo isticmaalo. Tus. “Marka waxaa ka weyn Xamar”; c) qurub la xiriira meel uu fal ka dhacay ama laga gudbayo. Tus. “Kooxdan buu ka cayaarayaa”, “Halkaas buu guri ka dhisay”, “Waddada buu ka tallaabay”.

ka [q.l] (-ka)
Qodob magaca lab dib loogu qodbo si looga dhigo wax cayiman. Wuxuuna raacaa magacyada lab oo ku dhammaada b, d, f, l, n, r, s (sh). Qodobkaa waxaa ka farcama: -ga, -ha, -a oo raacaan magacyada kale ee labka ah. Tus. “ nin+ka->ninka, buug+ka->buugga”.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg