koore
(m.l) (-rayaal, m.l/dh)

Shey badanaa idiin (harag la megdey) ka sameysan oo la saaro fardaha iyo baqlaha, si marka la fuulo fadhigu raaxo u yeesho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh koore

baridhawr [m.l] (-rro, m.dh)
Barkin xalleefsan oo koore, kursi iwm layska xajiyo..

koorayn [m.f.dh]
eeg kooree.

kooree [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-reeyay, -raysay)
Koore saarid (Faras, baqal).

leeddafuul [m.l]
Fuulidda la fuulo faras aan koore lahayn. ld leeddafuulid.

leeddafuul [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-uulay, -uushay)
Faras aan koore saarnayn fuulid.

leeddo [m.dh]
1. Faras la fuushanyahay oo aan koore saarnayn. 2. ld leeddafuulid.

takoore [m.l]
(xis.)Tibixda (b2-4ac) ee isle'eg saabley ee leh sansaanka ax2+bx+c=0. Haddii xididdada isle'egtu ay isle'egyihiin, takooraha waa eber. Tusaale ahaan, isle'egta x2-4x-6=0, b2-4ac=25 xididdaduna waa 2 iyo -3. Haddii takooruhu yahay tabane, xididdada isle'egtu waa tirooyin murakab ah. Tusaale ahaan, isle'egta x2+x+1=0 waxa ay leedahay xididdada [-1/2-(V3/2)]i iyo [-1+(V3/2)]i.

Koo [mu.ti.l]
(kuwoo, w) Mgacuyaal tilmaame oo lab, oo wax qofka hadlaya aad uga fog oo farta la isugu fiiqayo lagu tilmaansado.

koo [mu.ac.l]
(kuwoo, w) 1. Magacuyaal aan cayinnayn oo lab ah oo tilmaama wax ama qof jooga meel kan hadlaya ka fog. 2. (t) ld kow.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg