kosayn
(m.l)

1. (xis.) Fansaan tirigonoomeeteri ee xagal. Kosayska xagal + (cos+) ee saddexagal qumman waa saamiga dhinaca la deriska ah xagasha + iyo shakaalka. 2. Absiisaha bar ku taalla goobo halbeeg ah marka laga hadlayo habdhiska kulannada laydi.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kosayn

deris [m.l] (-syo, m.dh)
1. (xis.) Mid ka mid ah dhinacyada saddexagal ee sammeeya xagal la isa siiyey. Marka laga hadlayo saddexagal qumman deris waa dhinaca u dhexeeya xagasha la isa siiyey iyo midda qumman. Marka laga hadlayo tirigonoometeri saamiga dhinaca deriska ah uu sammeeyo dhererrada dhinacyada kale waxa loo adeegsadaa in lagu qeexo fansaarada xaglaha kosayn iyo tanjanka. Waxa uu sheegaa laba dhinac ee geesole oo wadaaga gees. 2. (xis.) Waxa uu sheegaa laba xaglood oo wadaaga gees iyo dhinac. 3. (xis.) Laba weji oo ka mid ah wejiyada salxaale oo uu ka dhexeeyo geftin wadaag ah.

fansaar-labasaable [m.l]
(xis.) Urur fansaarro oo leh astaamooyin u eg marka dhan laga eego kuwa fansaarrada tirignometeri waxaana lagu magacaabaa saynka labasaable (sinh (x)), kosaynka labasaable (cosh (x)) iwm. Waxa la xiriiraan laba saab sida ay fansaarrada tirignometeriga ula xiriiraan goobada.

siikant [m.l]
1. (xis.) Fansaar tirigonoometeri ee xagal la mid ah rogaalka kosaynka xagasha. Taasoo ah sec(theta) = 1/cos(theta) 2. (xis.) Xarriiq goysa xood. 3. (xis.) Xarriiq toosan kana jara goobada laba barood. Qaybta xarriiqda leh u dhexeysa labada barood ee is-goyska waa boqonka xoodka.

xeerka kosayn [m.l]
(xis.) Saddex-xagal kasta, haddii a, b iyo c iyo yihiin dhererrada dhinacyada iyo + ay tahay xagasha ka horjeedda dhinaca dhererkiisu yahay c, markaa c2=a2+b2-2abcos+.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg