kow
(m.dh.t)

Lambarka tirada laga billaabo oo labada ka horreeya; hal, mid; “1”. ld koow.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kow

k [m.dh]
(ka') Xarafka kow iyo tobnaad ee alifka soomaaliga, waana shibbane. ld kaaf. kaaf

w [m.dh]
(wa') Xarafka kow iyo labaatanaad ee alifbada af soomaaliga waana shibbane.).

qaaf [m.l]
Xarafka kow iyo labaatanaad oo alifka carbeedka magaciisa. ld qa'.

Ururkii Qaramada [m.l]
Urur la sameeyey dagaalkii adduunka ee kowaad kaddib, kasoo loo dhisay horumarinta Iskaashiga caalamiga iyo ka hortagga dagaal, wuxuuna burburiyey dagaalkii II ee Adduunka.

waarikow [m.l]
Shaah aan sonkor lahayn.

xamakow [m.l]
Geed aan dhulka ka kicin oo leh laamo buurbuuran oo wada hilib iyo biyo ah oo dusha kurtummo yaryar oo badan ku leh.

yakow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oobay, -owday; -oobi)
Qof xujoobid.

yeegtiis [m.l] (-syo, m.dh)
Bisha ku dhammaata kow iyo soddon.

abkow [m.l] (-wyo, m.dh)
1. Awoowe. 2. Awoowe aabbihiis; abuullan.

abkownimo [m.dh]
Abkow ahaansho.

k [m.dh]
(ka') Xarafka kow iyo tobnaad ee alifka soomaaliga, waana shibbane. ld kaaf.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg