kowaad
(m.l)

ld koowaad.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kowaad

Ururkii Qaramada [m.l]
Urur la sameeyey dagaalkii adduunka ee kowaad kaddib, kasoo loo dhisay horumarinta Iskaashiga caalamiga iyo ka hortagga dagaal, wuxuuna burburiyey dagaalkii II ee Adduunka.

amba [Magacuyaal Ebyoon | Pronoun Independent]
Magacuyaalka qofka kowaad oo ka kooban “ani” iyo “ba”.

anaa [Magacuyaal Ebyoon | Pronoun Independent]
Magacuyaalka qofka kowaad oo ka kooban 'ani'iyo 'aa 1'.

aniga [Magacuyaal Ebyoon | Pronoun Independent]
Magacuyaal tilmaamaya qofka kowaad ee kelida ah oo ebyoon ah (hadlaha ama qoraha). ld ani.

aniyo [Magacuyaal Ebyoon | Pronoun Independent]
Macacuyaalka qofka kowaad oo ka kooban 'ani'iyo 'iyo'.

anna [Magacuyaal Ebyoon | Pronoun Independent]
Magacuyaal qofka kowaad oo ka kooban 'ani'iyo 'na'.

annaga [Magacuyaal Ebyoon | Pronoun Independent]
magacuyaal tilmaamaya qofka kowaad ee wadarta ah oo ka baxsan kuwa lala hadlayo ama wax loo qorayo. ld anna².

anoo [Magacuyaal Ebyoon | Pronoun Independent]
Magacuyaalka qofka kowaad oo ka kooban 'ani'iyo 'oo'.

anse [Magacuyaal Ebyoon | Pronoun Independent]
Magacuyaalka qofka kowaad oo ka kooban 'ani'iyo 'se'.

anuu [Magacuyaal Ebyoon | Pronoun Independent]
Magcuyaalka qofka kowaad oo ka kooban 'ani', 'aa 1'iyo 'uu 1'.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg