kubram
(m.l)

(kiim.) Curiye kalaguur ah, midabkiisu yahay baroor-cas, summad-diisuna tahay Cu. Tiro atamkiisu waa 29, cuf atamkiisu waa 63.546. Bar dhalaashan-kiisu waa 1083.4° C.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kubram

baraas [m.l] (-ooyin, m.l)
(kiim.) Nooc kasta oo ka mid ah birdhafyada kubram-sink oo ilaa 50% tahay sink. Marka xaddiga sink la kordhiyaba, midabka birdhafku wuxuu iskula beddelaa sidan: dahabi-cas oo noqda dahabi; ilaa laga gaadho caddaan-qalimeed. Baraasyada si fudud ayaa loo sameeyaa, si wacanna way ugu adkaystaan daxalaysiga.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg