kud
(m.l)

Cudur dadka iyo xoolahaba ku dhaca oo badanaa aan laga kicin.

kud
(Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1) (-day, -dday)

1. (f.g) Gam-maan is abaahin. 2. (f.mg) Orod bootin ku bilaabid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kud

edegkudhufaan [m.l]
Orgi yar oo caano nuug isagoo ah xiniinyaha laga baxshay. ld ciddikudhufaan. ciddikudhufaan

orgeysguur [m.l]
Waayidda uu sac ama ri' orgeysani waayo dibi ama orgi kuda (booda).

saaro [f.g/lg3] (-rtay, -ratay)
1. Nin naag u galmoosho. 2. Wan lax kudud. 3. Wax, wax kale dul dhigasho.

yarayn [m.dh]
(kiim.) Ogsijiin kasaaridda ama haydarojiin kudaridda loo geysto iskudhis. Guud ahaan, waxa la odhan karaa atam, molikuyuul ama ayoon wuu yaraaday ama yarayn baa ku dhacday marka uu helo elektaroono.

abaahi [Fal Gudbe1/2 | Verb Transitive1/2] (-iyay, -iday/-isay; -iyi)
Hal kudid (awr).

asool [m.l]
1. ld oslid. Baahida neef ida ah oo dheddig u qabo kudmo. 2. A. ah: neef dheddig oo ida ah oo kudmo u baahan.

asool [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oolay, -ooshay)
Neef dheddig oo ida ah kudmo u baahasho. ld osol².

asoolli [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-iyay, -iday)
Wan, lax kudid.

bacrimane saygot [m.l] (-ooyin ..., m.l)
(baay.) Gaamayt dheddig oo bacrinsan: waa maxsuulka is kudarsanka bu'da ugxanta iyo xawada ama boodh faxalka.

beeddal [m.l]
B. ah: Geenyo kudaal u baahan. ld beedal¹.

k [m.dh]
(ka') Xarafka kow iyo tobnaad ee alifka soomaaliga, waana shibbane. ld kaaf.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg