kuddo
(m.dh)

1. Orod booddo ku anbabbaxa oo xawli dheer leh. 2. Dagaal aan habeys-nayn oo aan laysu tureyn. 3. Masaafada u dhexeysa laba qof oo orotameysa oo kala horreeysa. 4. Orgoodka gammaanka.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kuddo

farkuddoon [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
F. ah: wax si loo helo adagtahay; dhif, naadir. farma' m.dh.sh.r Si kedis iyo degdeg ah oo loo boodo ama loo ordo. ld farmac.

jaf [m.l]
1. Garaac; tumid. 2. Qolofta geedaha laga jafto (inta la gargaraaco). 3. Orod u eg wax la ganay; kuddo; fag.

kud [m.l]
Cudur dadka iyo xoolahaba ku dhaca oo badanaa aan laga kicin.

kud [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-day, -dday)
1. (f.g) Gam-maan is abaahin. 2. (f.mg) Orod bootin ku bilaabid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg