kuf
(Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate)

K. ah: isu qalmidda ay isu qalmaan laba qof xagga guurka, iyadoo laga eegayo dhinacyo badan sida: dhala-sho, xirfo, caafimaad iwm; geyaan.

kuf
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-fay, -ftay)

Nafley socota horay u dhicid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kuf

kaafir [m.l] (-rro/-riin, m.dh/kufaar, m.l)
$)) (dii.) Qof aan muslin ahayn. ld kufri¹.

xagaldaac [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-cay, -cday)
Baari ama culays ka batay darti, lugtu la laabmid, la daacid, la kufid. ld xagalkaddaac.

dhacdhac [m.l]
1. Tabaryari darteed oo lala kufkufo; liiqliiq; dalanbaabbi. 2. Hal hal u qubasho; daadad. 3. Gefaf yaryar. 4. ld dhaadhac 1 (3). 5. ld dhacdhicid.

dhacdhac [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-cay, -cday; -dhici)
1. Tabaryar darteed la kufkufasho; liiqliiqid; dalanbaabbin. 2. Dhawr mar dhicid.

duugkufaar [m.l] (-rro, m.dh)
Hanti weyn oo ka kooban badanaa dahab iwm oo ummado hore looga haray.

fuul [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-uulay, -uushay)
1. Wax kor u tafid. 2. Wax dushiisa ku boodid. 3. Haweeney kufsasho.

gaggab [m.l]
1. Kufidda iyo miyirbeelidda uu dhaliyo nabar surka ku dhacay. 2. Xanuun surka culaysiya. 3. ld gaggabid.

gayaan [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
G. ah: laba qof oo guurkooda is cuntamo; kuf. ld geyaa.

iskufac [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
I. ah: laba wax oo ay da'ddoodu isku mid tahay.

iskufil [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
Iskufac.

k [m.dh]
(ka') Xarafka kow iyo tobnaad ee alifka soomaaliga, waana shibbane. ld kaaf.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg