kufid
(m.f.dh)

eeg kuf². ld kufniin, kuftin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kufid

xagaldaac [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-cay, -cday)
Baari ama culays ka batay darti, lugtu la laabmid, la daacid, la kufid. ld xagalkaddaac.

gaggab [m.l]
1. Kufidda iyo miyirbeelidda uu dhaliyo nabar surka ku dhacay. 2. Xanuun surka culaysiya. 3. ld gaggabid.

kufkufid [m.f.dh]
eeg kufkuf².

kufniin [m.l]
ld kufid.

kuftin [m.dh]
Dhicidda horay loo dhaco jillaafo awgeed. ld kufid.

simbiir [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
1. dhinac u kufid. 2. Cid khilaafid.

simbiriirixo [m.dh]
1. Kufidda lagu kufo meel siman oo qoyan. 2. Meel siman oo qoyan oo haddii lagu joogsado lagu kufo.

simbiriirixo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-xday, -xatay)
Cid meel siman oo qoyaan ah ku kufid.

simbiriirixoo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-ooday, -ootay)
Meel simbiriirixo ah ku kufid.

kuf [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
K. ah: isu qalmidda ay isu qalmaan laba qof xagga guurka, iyadoo laga eegayo dhinacyo badan sida: dhala-sho, xirfo, caafimaad iwm; geyaan.

kuf [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-fay, -ftay)
Nafley socota horay u dhicid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg