kug
(m.dh)

Wax walba oo taagan, meesha ugu korreysa; dhako.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kug

waabo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-btay, -batay)
1. Waab dhisasho. 2. Ka w.: nabar kugu soo socda ka gabasho ama wax halis ah dib uga noqosho.

kaafi [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
K. ah: wax deeq kugu kaafiya.

uskug [m.l]
ld uskag.

cuskug [m.l]
1. Fadhi gacmaha la laabto oo aan waxba la qaban. 2. ld cuskugid.

cuskug [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-gay, -gtay)
Meel, hawl la'aan fadhiyid.

cuskugid [m.f.dh]
eeg cuskug². ld cuskug¹ (2).

dalkuggal [m.l]
Ruqso qof hal mar ku geli karo dal shisheeya; fiiso.

faraxumee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-meeyay, -meysay)
Qof dumar ah oo aan kugu mehersanayn si qasab ah ugu tegid.

indhakugaraadle [m.l]
Qof marba xaaladda uu ku joogo wax ku qaybsada oo aan eegin waxa soo socda.

indhakugaraadlennimo [m.dh]
Wax indha-kugaraadle ah ahaansho (qof).

k [m.dh]
(ka') Xarafka kow iyo tobnaad ee alifka soomaaliga, waana shibbane. ld kaaf.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg