kuhaan
(m.l)

1. Habaar. 2. (-nno, m.dh) Qof gabayga ku habaarrama. 3. Kaahin.

kuhaan
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-aamay, -aantay; -aami)

1. Waxyaabo aan weli dhicin waxka-sheegid, ka warramid. 2. Cid gabay iwm ku habaarid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kuhaan

kuhaamid [m.f.dh]
eeg kuhaan².

kuhaanlow [m.l]
1. Nin ku dheer kuhaanka. 2. Gabyaa habaarkiisu kaco.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg