kulan
(m.l) (-ammo, m.dh)

Isu imaadka dad meel isugu yimaadaan; urur; shir. ld kulanti.

kulan
(m.l)

(xis.) Urur tirooyin ah oo lagu muujiyo bar ku taalla dulalaati. Bar maguuraan ah oo la yiraahdo unugga iyo xarriiqyo maguuraan ah oo la yiraahdo dhidibbo ayaa tixraac ahaan loo adeeg-sadaa.

kulan
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-lmay, -lantay; -lmi)

Dad meel isugu imaansho ama ku shirid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kulan

saab [m.l]
1. (xis.) Nooc ka mid ah toobineed oo leh xoodbeeg le'eg hal. Ama xood uran oo ku wanqaran dhidibkiisa. Barta uu xoodku ka gooyo dhidibka waa geeska. Habdhiska kulanka kaartis saabku waxa uu leeyahay isle'eg beegaal oo leh sansaanka y = 4ax. 2.ÿ(xis.) Ururka baraha in u wada jira xarriiq iyo bar maguuraan ah. Xarriiq-da waxa la yiraahdaa jeedshe bartana kul-mis.

eedsii [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iiyay, -iisay)
Fal, arrin iwm ah oo cidi samaysay in ay natijijo xun kala kulanto gayeysiin.

gaalis [m.l] (-syo, m.dh)
(xis.) Urur tirooyin ah ama baro ah oo ku yaalla habdhis kulan oo qeexaya dhammaan qiimayaasha u dhexeeya laba bar dhammaad. Haddii labada bar dhammaad ay jiraan g.ka waa gaalin oodan, haddii an ku jirinna waa g. furan.

jaantus Argrand [m.l] (-syo ..., m.dh)
(xis.) (Sallax murakab) Laba addimaale habdhiska kulannada kaartis ee lagu muujiyo tirooyinka murakabka ah. Tirada x + iy waxa lagu muujin karaa barta kulannadeedu yihiin (x, y).

laace [m.l] (-cayaal, m.l/dh)
(xis.) Xarriiqda toosan ee uu xood aad ugu dhawaado (ama sigo) hase yeeshe aan weligii taaban. Tusaale ahaan, labosaabka waxa uu leeyahay laba laace. Marka xoodka isle'egtiisu tahay 1 garaaf ahaan loogu muujiyo laba addimaale kulannada kaartis waxa ay laaceyaashiisu noqonayaan x = 0 iyo y = 0 (eeg: labosaab).

oordinayt [m.l] (-tyo, m.dh)
(xis.) Kulanka-y oo barbarro ahaan loogu cabbiro dhidibka-y ee ku yaalla habdhiska kulannada kaartis (Barbardhig Absiisa).

absiisa [m.l]
(xis.) Kulanka-x oo barbarro ahaan loogu cabbiro dhidibka-x ee habdhiska kulanka kaartis.

addin [m.l] (-imo, m.dh)
1. (xis.) Tirada kulannada loo baahanyahay in baro lagu muujiyo xarriiq dusheeda, qaab ama adke. Shaxan sallax ah waa laba addimaale, shaxan adke ahna waa saddex addimaale. 2. (xis.) Baaxadda shaxan sallax ama adke ah. 3. (xis.) Mid ka mid ah xaddiyada fisigeed ee salka ah oo loo adeegsan karo in lagu tibaaxo xaddiyo kale.

barnoqod [m.l]
(xis.) Barta ugu sarreysa ama ugu hooseysa ee ku taalla xood, taas oo ah, bar halka uu kulanka iska beddelo min kordhid ilaa dhimid, ama min dhinmid ilaa kordhid, iyo weliba taabtuhuna waa uu jiifaa. Haddii isbeddelku yahay kordhid ilaa dhinmid waa barta ugu sarreysa.

barooro [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-rtay, -ratay)
Haweeney dhibaato ay la kulantay awgeed, qaylo dheer oo cataw iyo ilmo leh samayn.

kul [m.l]
Diirimaadka fallaaraha qorraxda iyo shidaal gubanaya bixiyaan oo jirka nafleydu kahdo.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg