kullan
(m.l)

Geed abaareed dheer oo qodxo, qori adag iyo miro macaan oo la cuno leh; dhirta daawada laga sameeyana ka mid ah. ld shillan.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kullan

kulannada Kaartis [m.l]
(xis.) Habdhis kulan ee rugta ay bari taallo lagu helo fogaanta ay bartaasi u jirto xarriiqyo tixraac oo lagu magacaabo dhidibbo. Laba addimaa-leyaasha waxaa la adeegsadaa laba xarriiqood, badanaaba labada xarriiqood waa ay isku qotomaan. Waxa ayna sammeeyaan habdhiska kulannada laydi. Xarriiqda jiifta waa dhidibka - x, tan taaganna waa dhidibka - y. Barta ay labada xarriiqood iska gooyaan 0, waa unugga habdhiska kullanka.

labasaab [m.l] (-byo, m.dh)
(fiis.) Nooc toobineed oo leh xoodbeeg ka weyn hal, ama waa xood furan oo leh laba laamood iyo laba dhibcood ee wanqareed. Habdhiska kullannada kaartis, isle'egla beegaalka ah ee labasaab waa: x2 - y2 = 1. ld labosaab.

shillal [m.l] (-llo, m.l)
1. Dhis qoryo ka samaysan oo korkeeda xoolaha lagu qalo. 2. ld kullan, shillan, shillin. Geed abaareed dheer oo qodxo, qori adag iyo miro macaan oo la cuno leh; dhirta daawada laga sameeyana ka mid ah.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg