kulmid
(m.f.dh)

eeg kulan².

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kulmid

ba' [m.fg1] (-'ay, -'day; -bi'i)
1. Hoog iyo dhibaato aad u weyn la kulmid. 2. Ka b.: xaalad leh gaajo, harraad, ciil iwm ka bixid. 3. Ka b.: midab, wasakh iwm meel ay yaalleen ka tirtirmid.

qaabbil [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ilay, -ishay)
1. Cid la kulmid. 2. Cid la shirid, cid soo dhoweyn.

naabnaab [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-bay, -btay)
1. Qof, wax shiddo badan oo caqli yar noqosho. 2. Qof faqri daran la kulmid. 3. Ku n.: si foolxun oo ka fuqid lahayn ugu dhegid u qabsasho. ld naannaab². naannaab

eed [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-day, -dday)
Fal, arrin iwm samayntooda natiijo xun kala kulmid.

eedaad [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
1. Rafaad badan la kulmid. 2. Xanuun daran la kulmid.

eedso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
Fal, arrin iwm samayntooda natiijo xun kala kulmid.

ibtilow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oobay, -owday; -oobi)
Ibtilo la kulmid.

jab [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-bay, -btay)
1. Wax dillaacid ama kala go'id. 2. Col iwm guuldarro la kulmid. 3. Geed, dhismo iwm dumid. 4. Badeeco qiimeheeda hoos u dhicid.

maangad [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
Arrin adag oo caqliga ka weyn la kulmid.

tabaalac [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-cay, -cday)
Socod badan daal kala kulmid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg