kulmis
(m.l)

ld kulmin.

kulmis
(m.l)

(xis.) Bar la xariirta toobineed. Fogaanta u dhexeysa kulmiska iyo bar kasta oo ku taalla xoodka waxa ay saami maguuraan ah la samaysaa fogaanta u dhexaysa bartaasi iyo xirriiqda loo yaqaanno jeedshe.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kulmis

arag-qumin [m.dh]
(daaw.) Awoodda ishu ay ku qumiso dhererka kulmiska bikaacadeeda, ayna u tusto hummaagyo bayaan ah ee walxo yaala fogaanno kala duwan.

kulmin [m.f.dh]
eeg kulmi. ld kulmis¹.

qabaal [m.l] (-llo, m.dh)
(xis.) Nooc ka mid ah toobineed oo leh xoodbeeg u dhexeeya oo iyol (oleli). Tubta bar socota sallax oo wadarta fogaanta ay u jirtaa laba barood oo maguuran ah ay tahay madoorsoome. Labada barood ee maguuraanka waxa la yiraahdaa kulmisyo.

xoodbeeg [m.l] (-gmo, m.l)
(xis.) Xoodbeeggu waa fogaanta u dhexeysa xoodka iyo kulmiska oo loo qaybshay fogaanta u dhexeysa xoodka iyo jeedshaha. Nooca toobineed waxa uu ku xiranyahay qiimaha saamiga halbeegga (e). Marka e<1 toobi-needku waa qabaal; marka e=1 toobineedku waa saab iyo marka e>1 toobineedku waa labo saab.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg