kulqaad
(m.l)

(fiis.) Summad: C. Xaddiga kulka ee loogu baahdo in uu sare u qaado heerkulka walax hal digrii kelfin (IK) ama 1° C. Kulqaadka waxaa lagu cabbiraa. Juul halkii kelfin (J/K).

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kulqaad

kulqaad-gaar [m.l]
(fiis.) Summad: c. Kulqaadka halkii halbeeg ee cuf ah, oo ah xaddiga kulka ee loogu baahdo in uu sare u qaado heerkulka hal halbeeg oo cufka walax hal digrii kelfin (IK). Kulqaadka gaarka ee walax waxa lagu cabbiraa Juul/Kg K.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg