kululee
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-leeyay, -laysay)

ld kulayli.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kululee

uumibax [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-xay, -xday; -bixi)
Hoore la kululeeyey qiiq bixid.

uumibiyood [m.l]
Hoore la kululeeyey qiiq ka baxay oo qabow taabtay awgiis biyo isu beddeley.

dermad [m.dh]
Gees lo'aad inta la kululeeyey la soo laabay oo diillimo bati ah (macdan) lagu shaqlay oo dhallinta shirta ciyaarta cududda bidix ku xirtaan, balaayo xijaab ah.

istaarj [m.l] (-jyo, m.dh)
(baay.) Booli-sakraydh ka kooban saamiyo kala duwan oo leh gulukows, boolimeer, amilows iyo amilobektin. I.ka badanaa waxa laga helaa dhirta, gaar ahaan, xiddiddada, tuyuubarka, iniinyaha iyo khudaarta, sida kaarbohaydrayt tamar kayd. Haddaba i.ku wuxuu xayawaanka u yahay il tamareed. Marka la dheefshiido marka u dambaysa waxa laga helaa gulukows. Xubuub kas.ku kuma milmaan biyaha qabow, laakiinse haddii la kululeeyo ay burburaan oo waxay sameeyaan milan isjiidanaya.

kulayli [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Wax kulayl ka dhigid. ld kululee.

shafshafo [m.dh]
1. (-ooyin, m.l) Cad xayr ah oo inta la kululeeyo nabar ama meel bugta lagu dhayo. 2. Hanti la siiyo qof dhaawac la gaarsiiyey. 3. ld shafshafayn.

shamiinto [m.dh]
(jool.) Iskujir budaysan oo ka kooban silikeytyada iyo luumineytyada kaalsiyam, kaas oo ka samaysmay didib (CaCO3) iyo dhoobo la isku kululeeyey ka dibna la ridkay. Marka lagu qaso biyaha, waxa dhaca falgallo; kuwaas oo sameeya adke adag oo alluumiinno silikeyt ah.

shiil [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine] (-lal/-lo, m.l)
1. Qodob madaxiisa ballaaran oo inta la kululeeyey wax buka lagu gubayo. 2. Barta ama raadka uu oogada ku reebo dabkaas. 3. Sh. ah: dhagax madow oo marka la isku dhufto dab bixiya. 4. Sh. ah: midab aad u madow oo dadku yeesho.

shiil [m.dh]
Dhagax dab lagu kululeeyey oo caddaaday.

kulul [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-laa, -layd)
1. Wax kul leh ahaansho. 2. Qof xanaaq badan ahaansho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg