kumaad
(m.l.t)

Derajada sagaal boqol sagaashan iyo sagaal ka hooseyso.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kumaad

cufnaan u-eegan [m.l]
(fiis.) Summad: d. Cufnaanta walax oo loo qaybshay cufnaanta biyaha. Cufnaan u-eegan (d) = cufnaanta walaxda (P)/cufnaanta biyaha (P). Mar haddii cufnaanta biyuhu ay le'egtahay 1000 kg/m3, cufnaanta u-eegan ee walaxi waxa le'egtahay 1/1,000 (hal kumaadka) cufnaanta walaxda.

malyuun [m.l.t.] (-nno/-laayiin, m.dh/-uumaad, m.l)
Tiro ka kooban kun meelood oo min kun ah; kun kumaad; “1.000.000”. ld malyan, milyan.

kuma [mu.we.l]
(kuwama. w) Magacuyaale weyddiimeed oo lab oo wax ama qof lagu hubsado; waa ayo? yaa waaye?.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg