kumuloonimbas
(m.l) (-syo, m.dh)

(c.cimi.) Daruur culus oo madaw oo qaradeedu tahay, 4.500, mitir ama in ka badan. Badanaa waxay u fidsantahay si heebhaab ah oo u eg ubbad.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kumuloonimbas

duufaan-onkodle [m.l] (-nno ..., m.dh)
(fiis.) Duufaan maayado hawo sare oo xooggan leh, oo sameeya daruuro kumuloonimbas ah oo aad u kobocsan, oo leh dhibco aad u waaweyn, oo yeelan kara baraf dhagax ah, kolkaa danab qulqulka sameysmaa bhaliyo hillaacyo, iyo onkod ka dhashay fididda hawada kulka badan e hilaaca darteed.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg