kuraas
(Magac Dheddig Wadar | Noun Feminine Plural)

eeg kursi.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kuraas

saabaan [m.l.w]
Alaabta guryaha la dhigto oo ay ka mid yihiin kuraasta, miisadaha, sariiraha iwm oo lagu dhaqmo. ld saa-maan. saa-maan

gaafal [m.l] (-llo, m.dh)
Bedenka gudihiisa kuraasi ku rakiban ragga seebinaya ku fadhiistaan.

alwaax [Magac Lab/Dheddig Urur | Noun Masculine/Feminine Collective]
Qoryo xalleefsan oo si gaar ah loo qoro oo laga sameeyo qalabka guryaha sida, sariiraha, kuraasta, albaabyada, miisaska iwm.

bas [m.l]
1. Geeri caadi ah ee ku timaaddo qof tiisii gashay. 2. (-sas m.l) Baabbuur weyn oo dedan oo daaqada muraayado ah iyo kuraas leh oo rakaabka qaado. 3. Wax gubasho ku dhammaaday oo dambas noqday.

dhiqle [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
Cayayaan yar baalal lahayn, dhiigkunool ah oo furaashyada, kuraasta iwm gala; kutaan. ld dhilqe.

fatuurad [m.dh] (-do, m.l)
Baabuur yar oo gudaha ku leh kuraas jilicsan oo lagu fariisto, dhinacyadana albaabo iyo muraayado. ld fatuuro.

khaysaraan [m.dh] (-no/-aamo, m.l)
Geed alammo leh oo geedka qasabka u eg, ka laamo dhuudhuuban kana baxa webiyada hareerahooda iyo meelaha biyo fariisinnada, lagana sameeyo bakoorado, kuraas, dambiilo iwm.

makhaayad [m.dh] (-do, m.l)
Meel cunto karsan lagu iibsado oo leh kuraas iyo miisas cuntada lagu cuno iyo shaqaale cuntada keena. ld makhaayo, maqaayad, maqaayo.

wiifow [m.l] (-wyo, m.dh)
1. Geed wareegsan oo fardo qoryo ah iyo kuraas lagu fariisto leh oo carruurta lagu ciyaarsiiyo. 2. Kursi meel ka laallaada oo carruurta lagu ruxo.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg