kuray
(m.l) (-yo, m.dh)

Will carruurnimo ka baxay oo aan weli qaangaarin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kuray

abbaay abbaay [m.dh]
Digri haweenka u gaar ah oo la sameeyo marka haweeney ay kuraysanayso ama markii caado ahaan loo xusayo abbaay Faaduumo oo lagu wado gabadhii Rasuulka (n.k.h.a.).

bileyso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-stay, -satay)
Haweenwy uur leh oo sidda dhaweysay si ay samo ugu dhasho alla bari samayn; kuraysasho.

dibjir [m.l] (-rro, m.dh)
1. Qof sabool ah oo aan hoy uu u hoydo lahayn. 2. Kuray geela ilaaliya.

igaar [m.l]
(igaar, m.dh) Wiil, kuray, inan.

kur [m.dh] (-ro, m.l)
1. Duco iyo Alla-bari dumarka uurka lihi sameeyaan kolka sidkoodu dhammaad ku dhow dahay; kuraysi; madaxshub; sagaalaysi; tararaysi. 2. Buur yar; kood. 3. Xeero yar oo bunka lagu shubto. 4. Weel qori ah oo qaabka dhiisha loo qoro oo lagu kaydiyo burcadka inta aan la shiilin.

kuraysad [m.l]
ld kuraysasho.

kuraysasho [m.f.dh]
eeg kurayso. ld kuraysad, kuraysi.

kuraysi [m.l]
ld kuraysasho.

kurayso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-stay, -satay)
Haweeney kur samaysasho; sagaalaysasho.

kur [m.l] (-rar, m.l)
Madax; unuun.

kur [m.dh] (-ro, m.l)
1. Duco iyo Alla-bari dumarka uurka lihi sameeyaan kolka sidkoodu dhammaad ku dhow dahay; kuraysi; madaxshub; sagaalaysi; tararaysi. 2. Buur yar; kood. 3. Xeero yar oo bunka lagu shubto. 4. Weel qori ah oo qaabka dhiisha loo qoro oo lagu kaydiyo burcadka inta aan la shiilin.

kur [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Wax si siman u goyn.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg