kurbo
(m.dh)

Dareen, welwel, cabsi iyo tiiraanyo leh oo ka dhasha mushkilad cusub oo cid ku timaadda oo aan maaro loo hayn.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kurbo

kurbaysan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-snaa, -snayd)
Cid kurbo hayso ahaansho.

kurbee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-beeyay, -baysay)
Cid kurbo ku ridid.

kurboo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-ooday, -ootay)
U k.: kurbo dareemid.

kurbood [Magac Fal Lab | Noun Verb Masculine]
eeg kurboo.

kur [m.l] (-rar, m.l)
Madax; unuun.

kur [m.dh] (-ro, m.l)
1. Duco iyo Alla-bari dumarka uurka lihi sameeyaan kolka sidkoodu dhammaad ku dhow dahay; kuraysi; madaxshub; sagaalaysi; tararaysi. 2. Buur yar; kood. 3. Xeero yar oo bunka lagu shubto. 4. Weel qori ah oo qaabka dhiisha loo qoro oo lagu kaydiyo burcadka inta aan la shiilin.

kur [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Wax si siman u goyn.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg