kursi
(m.l) (-iyo/kuraas, m.dh)

1. Qalab qaabab badan loo yeelo oo lagu fariisto, lana dhigto guryaha, xafiisyada iwm. 2. Goob loogu talaggalay in ay fariistaan mudanayaal la soo doortay.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kursi

baridhawr [m.l] (-rro, m.dh)
Barkin xalleefsan oo koore, kursi iwm layska xajiyo..

dakee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-keeyay, -kaysay)
1. Sariir, kursi iwm ku dul raaxaysasho. 2. Biyo ku dul maraabayn (markab ama doon).

kuraas [Magac Dheddig Wadar | Noun Feminine Plural]
eeg kursi.

kursijiif [m.l] (-fyo, m.dh)
Kursi fidsan oo fadhi iyo ku jiifba loo isticmaali karo.

santeec [m.l]
Ku tiirsanaanta lagu tiirsanaado derbi, kursi iwm.

santeecsan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Qof wax derbi, kursi iwm ku tirsan ahaansho.

sitaacso [Fal Gudbe/Magudbe3 | Verb Transitive/Intransitive3] (-saday, -satay)
1. (f.g) Faras sitaac ku xirasho. 2. (f.g) Wax qurxin; wax xardhid. 3. (f.mg) Derbi, kursi iwm ku tiirsasho.

wiifow [m.l] (-wyo, m.dh)
1. Geed wareegsan oo fardo qoryo ah iyo kuraas lagu fariisto leh oo carruurta lagu ciyaarsiiyo. 2. Kursi meel ka laallaada oo carruurta lagu ruxo.

kur [m.l] (-rar, m.l)
Madax; unuun.

kur [m.dh] (-ro, m.l)
1. Duco iyo Alla-bari dumarka uurka lihi sameeyaan kolka sidkoodu dhammaad ku dhow dahay; kuraysi; madaxshub; sagaalaysi; tararaysi. 2. Buur yar; kood. 3. Xeero yar oo bunka lagu shubto. 4. Weel qori ah oo qaabka dhiisha loo qoro oo lagu kaydiyo burcadka inta aan la shiilin.

kur [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Wax si siman u goyn.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg