kurtun
(m.l) (-ummo, m.dh)

1. Qori ama jirrid geed oo gaaban oo dhulka ku aasan oo afkiisu soo taaganyahay. 2. Laan la gooyey oo intii hartay ay geedka ka soo taagantahay. ld kurtin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kurtun

dinnaax [m.l] (-xyo, m.dh)
Nagaar yar, dhulka dhagaxleyda ah ka baxa, kurtun yar u eg; aan lahayn laamo iyo caleemo oo la cuno.

kurtin [m.l]
ld kurtun.

shiish [m.l]
1. (-shash, m.l) Kurtun yar, bir ah oo ka soo taagan dhuunta buntukha madaxeeda hore oo marka wax la nishaabayo iyada iyo fantax yar oo iyaduna buntukha meel dhexe oo hore kaga taal laysku abbaaro. 2. Nishaab; toog.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg