kurus
(m.l) (-syo, m.dh)

Cad baruur ah oo weyn oo geela dhabarkiisa ka baxa.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kurus

laama [m.dh]
(c.nafl.) Naasley geela la bah ah oo aan kurus lahayn, lagana helo Ameerikada koofureed, leh sur dheer oo dhuuban, dhego dhaadheer iyo dhogor jilicsan, cufan oo dhaadheer oo la rarto, hilibkeedana la cuno, dhogorteedana dhar laga sameeyo.

ammaan [m.l]
1. Nabadgelyo. 2. Qodob yar oo ku yaal buntukha, bistooladda, hubka qarxa iwm oo marka la xiro qaraxa ka ilaaliya rasaasta ama hubka kale. 3. Cad kala bara kuruska geela oo sida badan ceeriinka laga cuno.

baar [m.l]
1. Fiidda sare ee geed ama timo iwm. 2. Dhoqor dhaadheer ah oo ka baxda kuruska geela dushiisa. 3. Ciyaarta daba-ka-eriga, hal mar oo turubka la qeybiyo laguna ciyaaro. 4. Isha baalkeeda. 5. (-rar, m.l) Meel lagu iibsho cabitaanka iyo cunto fudud.

beerkurus [m.l]
Cudur beerka geela ku dhaca oo baruur u yeela.

duudseef [m.l]
Rati aan kurus lahayn.

geel [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective] (-lal, m.dh)
Xoolaha la dhaqdo midka ugu weyn, wuxuu leeyahay hal ama labo kurus, addimo dhaadheer, cago balballaaran; gaa.

hays [m.l]
Meel godan oo kuruska iyo misigta geela u dhexeysa.

heys [m.l]
H. ah: kurus in yar dhan u janjeera.

leexo [m.dh]
1. Dabayl dhacda oo cirka u kacda. 2. Ciyaar xarig geedo isu dhow labadiisa dacal lagu kala xiro oo carruurtu fuusho iskuna ruxaan. 3. Qallooc gala kurus geel.

kur [m.l] (-rar, m.l)
Madax; unuun.

kur [m.dh] (-ro, m.l)
1. Duco iyo Alla-bari dumarka uurka lihi sameeyaan kolka sidkoodu dhammaad ku dhow dahay; kuraysi; madaxshub; sagaalaysi; tararaysi. 2. Buur yar; kood. 3. Xeero yar oo bunka lagu shubto. 4. Weel qori ah oo qaabka dhiisha loo qoro oo lagu kaydiyo burcadka inta aan la shiilin.

kur [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Wax si siman u goyn.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg