kuug
(m.l)

1. (-gag, m.l) Qof cuntada si wanaagsan u karin yaqaana; kooke. 2. K. ah: nooc tusbaxyada ka mid ah qurux badan oo aan qayirmin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kuug

ku [mu.dhm.ly]
Magacuyaal layeele oo tilmaama qofka labaad ee kelida ah, oo lala hadlayo.

ku [mu.ac.l]
(kuwo, w) Magacuyaal aan cayinnayn oo lab ah oo cid ama wax maqan tilmaamaya. Tus. “ Maanta ku aan isku fasal ahayn baan arkay”. ku³ h (nax.) Qurub la isticmaalo falka bidixdiisa: a) qurub la xiriira wax ama meel gudohooda fal uu ka dhacayo. Tus. “Biyaha weelka ayay ku jiraan”; b) qurub la xiriira wax ama qof uu fal taabanayo. Tus. “Kursigii ayuu ku fadhiyaa”, “Xarigga geedka ku xir!”; c) qurub la xiriira wax wax lagu qabsado. Tus. “Qalinka wax ku qor!”; d) ugu: qurubyo lagu cabbiro kalasarraynta. Tus. “Wiilasha asaga ayaa ugu wanaagsan”.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg