kuul
(m.dh) (-lo, m.l)

Iniinyo kulkulucsan oo dhalo iwm ka sameysan, dhexdana ka daloola oo inta dun lagu taxo qoorta haweenku ku xirtaan, si ay ugu xarragoodaan.

kuul
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-uulay, -uushay)

Khad madow indho marin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kuul

faal [m.l]
Farsamo loo adeegsado kuul, aleel, turub, dhulxarriiqid iwm oo lagu mala'awaalo wax dhacay ama dhici doona.

asli [m.l]
1. ld asali. 2. (-iyo, m.dh) Kuul cambar ah.

baxar [m.l]
1. Bad. 2. Dhibaato weyn. 3. Kuul yaryar cadcad oo haweenku qoorta ku xirtaan.

cabbaar [m.l] (-rro, m.dh)
1. Meerisyo kuul yaryar ah, hab quruxsan la isugu tolo, rucubyo leh oo haweenka qoorta ku xirtaan. 2. Midab baraashirix ah oo lo'da iyo riyuhu yeeshaan. 3. (w) Qaab qurux badan oo dadka cayillan ama hablaha surkoodu yeesho. ld cabbaad.

canab [m.l]
1. Geed saaq, dhala miro yaryar, kulkulucsan, caddaan ama guduud ah, cutubcutub u baxa oo sidooda lagu cuno ama khamri laga sameeyo ama inta la qallajiyo sibiib laga dhigo. 2. Miraha geedkaas dhala. 3. C. ah: kuul mirahaas u eg. ld cinab.

darab [m.l]
1. Dhaqidda la dhaqo meelaha kaadida iyo saxaradu soo maraan; istanyo. 2. (-yo, m.dh) Cabir dhulka beeraha lagu cabiro (oo afar jibaal ah) oo le'eg 25 mitir. 3. Saxaro. 4. In yar oo biyo ah oo lagu istinjoon karo. 5. Dun, aleel, kuul iwm oo weelka lagu qurxiyo. 6. Hanti yar oo laga bixiyo gabar la guursaday oo hooyadeed la siiyo.

dhankuulin [m.dh] (-nno, m.l)
Kobta casaanka ah oo derinta darfaheeda lagu tolo.

faradh [m.l] (-dho, m.dh)
(fiis.) Summad F. Halbeegga Caalamiga (H.C.) ee madhxinta, waxana loo qeexaa madhxinta madhxiye kasbaday saldanab 1 kuulam, marka keyd taraqiisa la gaarsiiyey 1 foolt. F. waa halbeeg ka weyn istiicmaalka caadiga ah, waxana la qaataa jajabkiisa oo ay ka mid yihiin biiko-f. (PF) iyo maykaro f. (μF).

fiin [m.dh]
1. Jaad ka mid ah shimbiraha oo leh qaylo dheer oo meel fog laga maqlo, dadkuna rumaysanyahay inay ka digto colaad ama roob badan; galaw, dhebed. 2. Geed, buur iwm. meeshooda ugu sarreysa. 3. Kuul yaryar oo haweenku xirto.

gesiir [m.l] (-rro, m.dh)
Xarig dun ah, si gaar ah loo sooho, cabbaadyo ama kuul yaryar midabo kala duwan leh lagu mardimeeyo oo haweenku dhexda ku xirtaan. ld gasii.

ku [mu.dhm.ly]
Magacuyaal layeele oo tilmaama qofka labaad ee kelida ah, oo lala hadlayo.

ku [mu.ac.l]
(kuwo, w) Magacuyaal aan cayinnayn oo lab ah oo cid ama wax maqan tilmaamaya. Tus. “ Maanta ku aan isku fasal ahayn baan arkay”. ku³ h (nax.) Qurub la isticmaalo falka bidixdiisa: a) qurub la xiriira wax ama meel gudohooda fal uu ka dhacayo. Tus. “Biyaha weelka ayay ku jiraan”; b) qurub la xiriira wax ama qof uu fal taabanayo. Tus. “Kursigii ayuu ku fadhiyaa”, “Xarigga geedka ku xir!”; c) qurub la xiriira wax wax lagu qabsado. Tus. “Qalinka wax ku qor!”; d) ugu: qurubyo lagu cabbiro kalasarraynta. Tus. “Wiilasha asaga ayaa ugu wanaagsan”.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg